Heemaal News Network

M/Putin Oo Dhinacyada ku Lugta leh Uga Digay Xiisada Bariga Dhexe Balan-qaad-na Iran

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in talaabo kasta oo uga sii daraysa xaaladda Bariga Dhexe ay isu badali karto musiibo aan cawaaqibkeeda aan la mahdin xili uu taleefanka kula hadlayay dhigiisa Iiraan Ibraahim Ra’isi.

Aqalka Kirimiliinka oo soo xiganayay kulanka taleefanka ee labada madaxweyne ayaa sheegay in Putin ku kalsoon yahay in dhinacyadu is xakameyn doonaan, sidaasna looga hortagi karo isku dhacyo kale oo aan cawaaqibkooda la mahdin, taas oo saameyn ku yeelata gobolka oo dhan.

Kiriliinka ayaa intaa ku daray in Iiraan ay codsatay wadahadalka taleefanka.

Ruushka iyo Iiraan ayaa lahaa xiriir dhaw, si gaara waxaana uu Ruushku balan-qaaday in Iran ka taageerayo nidaamka difaaca hawada iyo diyaaraddaha dagaalka, taas oo ay Tehran ku badalanayso taageeradii ay siisay Moosko, muddada dagaalka Ruushka iyo Ukraine socday.