Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Uu ku jiro Deni

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatashiga Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April ee sanadkan.

Shirkan ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo talaabadan ay ku soo beegantay xili dhowaan Puntland ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, kuna dhawaaqday in u dhaqmeyso siyaabo ka madax banaan DF.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CASUUMADA