Heemaal News Network

Madaafiic Caawa Lagu Garaacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Dhawaqa jug culus oo lagu sheegay madaafiic ayaa la maqlay goor dhoweyd, kuwaasoo lagu garaacay agagaarka iyo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay degan yihiin madaxda sare ee DFS.

Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray Madaafiicdaas iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay, laamaha amaanka DF ayaana weli ka hadlin.

Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee iman lahaa garoonka Muqdisho maalinta beri ah ay dib u dhaceen, sababo xagga ammaanka, iyadoo aysan wali dawladdu shaacin.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili Mareykanka uu saacado ka hor soo saaray digniin heerkeedu sareeyo oo ku wajahan weeraro Argagixiso oo ka dhici kara caasumada Soomaaliya, berrito o dhinaca kale la la filayo inuu xilka wareejiyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliska Somalia Oo Mar kale u Digay Shacabka Degan Xerada Dab-damiska Muqdisho.

Heemaaln

Ehelada Ninkii Xaaskiisa Gubay Oo Afka Furtay Hanjabaad-na U Diray

Heemaaln

Faarax Macallin”Lix Jeer Baa La Isku Dayey In La I Dilo Anoo Somali Difaacaya”

Heemaaln