Heemaal News Network

Booliiska Somaliya Oo Fududeeyay Adeeg ay u Baahnaayeen Somalida Kenya

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeegga warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaagga.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dedaalo muddo socday kaddib ay suurto gashay waxii ka bilowda maalinta Isniinta ah 11 March 2024 warqada dambi la’aanta laga qaadan doono magaalada Nairobi.

”Hoggaanka baarista dembiyada ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in muddo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Taliska ciidanka booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ay qorsheynayaan in xafiisyo kale laga furo safaaradaha Soomaali ee dalka dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeegga warqada dambi la’aanta iyo asluub wannaaga.

Dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya iyo dalalka kale ee caalamka ayaa dhibaato badan ku qabay helitaanka warqada dambi la’aanta ee CID-da Soomaaliya bixiso, waxa ayna dadkaasi ku qasbanaayeen in Soomaaliya ka dalbadaan ayna bixiyaan lacag badan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Xirtay Taliyihii Liyuuga Oo Amar Diido Sameeyay inay Weeraraan SSC Khaatumo

Heemaaln

Col,Mahad “Somalia waxay u Baahan tahay Xabsi weyn Oo Dambiilayaasha lagu xero”

Heemaaln

Duqa Muqdisho Oo Amar ku Bixiyey in 10:00 PM ka hor aysan Socon karin Gaadiidka Xamuulka ah.

Heemaaln