Heemaal News Network

Sarkaal Maraykan Oo ah Oo Lagu Eedeeyey Iibinta Macluumaad Xasaasi ah Oo la Xiray

Askari ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey in macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan awoodda militari ee Maraykanka uu bixiyey, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku.

Saajin Korbein Schultz oo sidoo kale ah nin sirdoonka la shaqeeya ayaa lagu eedeeyey lix gal dacwadood oo ay ku jiraan inuu maleegay inuu helo, isla markaana banaanka soo dhigo macluumaad la xiriira arrimaha militariga iyo isaga oo laaluushay sarkaal dawladda u shaqeeya. Ninkan oo 24 jir ah ayaa lagu xiray xerada Fort Camphell oo ku taalla xadka gobolada Tennessee iyo Kentucky, in yar uun ka dib markii eedihii loo jeedinayey ay soo baxeen, Khamiistii.

Sida eedaha ku qoran, Schultz oo ogolaansho sare u haysta arrimaha dawladda ayaaa lagu eedeeyey inuu wax la maleegay qof hadda lagu magacaabay “Conspirator A”, isaga oo dokomentiyo, sawirro, iyo waxyaabo kale oo gaashaandhigga waddanka la xiriira la wadaagayey ilaa bishii June ee sanadkii 2022. Eedda ayaa lagu sheegay in Schultz loo qortay in uu haystay darteed awoodda galaangalka arrimaha dawladda.

Waxyaabaha lagu eedaynayo in Schultz uu bixiyey ayaa waxaa ku jira hanaanka gantaaladda artilariga, daraasado la xiriira horumarinta mustaqbalka ee ciidanka Maraykanka iyo daraasado la xiriira dhoolla-tusyada iyo hawlgallada ay sameeyaan dalal waaweyn sida Shiinaha oo kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Dacwad kusoo Oogay Shirkadda Apple

Heemaaln

Madaxweyne Biden Oo u Hanjabey Benjamin Netanyahu

Heemaaln

Maxkamad ku taal Maraykanka Oo Hakisay Sharci ka Dhan ah Soogalootiga Oo Saacado kooban Dhaqan galay

Heemaaln