Heemaal News Network

IGAD Oo ku Baaqay Faragelin Looga Hortagayo Musiibo ka Dhacda Badda Cas

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay musiibo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo badda cas iyo gacanka cadmeed, kaddib markii markab siday kiimiko uu ku quusay badda kuna daadatay kimikkadaasi gunta hoose ee badda.

Qoraal kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaana walaac xooggan looga muujiyay saameynta ka dhalan karta kiimikadan badda ku daadatay, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg loo qaado tallaabooyin kahor tag ah.

Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaana laga cabsi qabaa in musiibadan ku habsato ,kaddib markii uu xeebaha Yeman ku degey markab la yiraa Rubymar oo sidey in ka badan 12,000 oo metric tonnes oo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo ee ammonium phosphate ah ,taas oo u dhiganta 22 oo tan oo shidaal ah in in badda lagu qubay.

Ururka IGAD waxay ka digtey in kiimikada biyaha ku milantay ay halis gelineyso noolaha badda ku jira, waxayna babiā€™in kartaa dhirta iyo balbalooyinka badda gunteeda ku waaban ee daaqsinka iyo gabaadka u ah nafleya badda ku nool.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaana lagu eedeeyay in iyagu sabab u ahaayeen markabka kiimikada siday ee ku quusay badda cas, kaddib markii kooxda markabkaasi ku weerareen gantaalo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Jabuuti Oo Mar Kale Ku Celisay In Ay Ka Soo Horjeedo Heshiiska Badda Iyo Kala Goynta Soomaaliya

Heemaal