Heemaal News Network

Madaxii Culuunta Saxaafada Ee Jaamacada Umadda Soomaliyeed Oo Ku Biiray Alshabaab

Abwaan Nageeya Cali Khaliif oo muddo saddex bilood ah la weysanaa, ayaa markii ugu horraysay xalay ka soo muuqday warbaahinta Alfurqaan ee ay leeyihiin kooxda Alshabaab.

Wareysi lala yeeshay oo muddo hal saac ah soconayay, ayuu ku sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Alshabaab, isagoo caddeeyay inuu muddo dheer niyada ku hayay oo ku qancay afkaaraha kooxda Alshabaab.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif, waxa uu sheegay in kooxda Alshabaab uu afkaarkooda aaminsanaa tan iyo sannadkii 2017-dii oo ahayd markii uu ka soo wareegay Somaliland ee uu yimid magaalada Muqdisho.

Wareysiga waxa uu ku sheegay, inta uusan ku biirin Alshabab, inuu ahaa mid la dhacsan hannaanka ay kooxdu ku shaqeyso.

Waxa uu si cad u taageeray dagaallada ay Alshabaab kula jirto dowladda Soomaaliya iyo xulafooda caalamiga ah.

Wuxuu weerar afka ah ku qaaday masuuliyiinta Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwa u shaqeeya danaha reer Galbeedka. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Alshabaab ay qabsan doonto guud ahaan Soomaaliya.

Nageeya ayaa kamid ah barayaasha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, isagoo madax ka ahaa qeybta culuumta saxaafadda.

Waxaa uu ahaa Abwaan caan ku ahaa gabayada marxaladaha taagan. Isagoo tiriyay gabayo ay ka dhex muuqatay afkaartiisa Alshabaabnimo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Sheikh Oo Faray Ciidanka Booliska ilaalinta Sharciyada iyo la Dagaallanka Musuqa

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Dhaarinayey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Gor-gor

Heemaaln

Waalidkiis Qurbaha ayay la Jeclaadeen Laakiin Rafaadkii Argagixisada ayuu u soo xiisay.

Heemaaln