Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka,
xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya.
Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Labada dhinac ayaa tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaasoo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Villa Somalia.