Heemaal News Network

Madaxwaynaha Somaliya Oo Lagu soo Dhaweyay Magaalada Asmara Ee Ereteriya.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw safar shaqo ugu ku gaaray magaalada asmara ee dalka Eretriya

Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Eriteriya ay booqasho labo maalin ah uga bilaabatay ayaa waxaa soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki.

Waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eretriya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Shiilkh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Asmara halkaas oo uu booqasho shaqo oo labo maalmood ah qaatay. Kahor Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay dhigiisa Isaias Afwerki markii uu gaaray Asmara” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dalkaas Yemane G. Meskel.

Eretriya ayaa dowlada Somalia horey ugu tababartay kumanaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira Al shabaab, iyadoo weli uu dalkaas tababar uga socdo cutubyo kale oo ka tirsan ciidanka milateriga Somalia.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

21 Qof Rayid ah Oo Lagu Laayay Duqayn ka Dhacday Gobolka Sh/Hoose Oo Laga Qayliyay

Heemaaln

Idaacadii Andalus Ee Alshabaab Iyo Warshad Qaraxyada Samaynaysay Oo La Burburiyey

Heemaal

Afar Dhalinyaro ah Oo ku Eedaysan Dilka Labo Wiil Oo la soo Bandhigay

Heemaaln