Heemaal News Network

Somaliya Oo soo Dhoweysay Go’aanka QM Ee Looga Hortagayo Islaam Nacaybka

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhoweysay in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay go’aan ka hadlaya Tallaabooyinka lagula dagaallamayo Islaam nacaybka, iyo magacaabista Ergey loo xilsaaray in uu wax ka qabto arrimahan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu hoosta ka xarriiqayo dadaal caalami ah oo midaysan oo lagula dagaallamayo nacaybka loo hayo bulshooyinka Muslimiinta ah, uuna tilmaamayo dedaalka wadajirka ah ee lagu kobcinayo adduun ku sifoobay isku-duubni iyo isfaham.

“Tallaaadani waxay calaamad u tahay horumar la taaban karo oo loo qaaday kobcinta wadahadalka, kobcinta dulqaadka, iyo wax ka qabashada eexda xididaysan ee khatarta ku ah wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada adduunka oo dhan. Soomaaliya waxay garwaaqsan tahay doorka muhiimka ah ee uu ergaygu ka ciyaari doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dadka muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadi’da sinnaanta iyo caddaaladda ee masraxa caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Iyadoo dib u xaqiijinaysa taageerada aan kala go’a lahayn ee dadaallada caalamiga ah ee looga golleeyahay ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo burburinta kaabayaasha dhaqaale, Soomaaliya waxay sheegtay inay xoogga saarayso tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah horumarinta wadahadalka iyo nabadda ummadaha dhexdooda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Shir ka Furmay Nairobi.(Sawirro)

Heemaaln

Gudoomiye Xirsi Oo ka Hadlay Safarkii Uu Ku Yimid, una Hanjabay Madaxweyne Biixi.

Heemaaln

Saylici Oo Xariga ka Jaray Aqalo Hayada Camuud u Dhistay Agoontii Hargeysa.

Heemaal