Heemaal News Network

Puntland Oo Dalbatay in Lagu soo Wareejiyo Burcad Badeedda Lagu Qabtay Markabka MV Ruen

Maamul goboleedka Puntland ayaa dalbaday in lagusoo wareejiyo burcad badeeddii ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda ee dalka Hindiya, si loogu maxkamadeeyo gudaha degaanada Puntland.

Sii hayaha wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in ay dowladda Hindiya kala hadli doonaan sidii ay gacanta ugusoo galin lahayd burcad badeeddii laga soo furtay markabka MV Ruen.

Raggan oo tiradoodu gaarayso 35 nin ayay ciidamada Hindiya gacanta ku dhigeen markii ay weerareen markabka MV Ruen ee burcad badeeda afduubka u haysteen tan iyo bishii December ee 2023.

Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa ku qasbay burcad badeeda in ay isa soo dhiibaan, waxaana sidoo kale la badbaadiyay shaqaalihii la socday markabka Ruen ee la afduubtay oo watay calanka Malta, iyadoo aan wax dhaawac ah soo gaarin.

Markabkan oo la sameeyay sannadkii 2016-kii ayaa bishii December lagu qabtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo lagu guuleysto badbaadinta markab ay ku lug lahaayeen burcadbadeed Soomaali ah tan iyo sannadkii 2017-kii.

Horraantii toddobaadkan, markab xamuul oo u dhashay Bangladesh, Abdullah, ayaa sidoo kale ay budhcad-badeedda Soomaalida ka afduubteen badweynta Hindiya, iyadoo ay la socdeen 23 shaqaale ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dawlada Somalia Oo Qareen u Qabatay Burcad Baddeed Lagu Maxkamadeynayo India

Heemaaln

Ciidamada Hindiya Oo Gacanta ku Dhigay Burcadbadeed Somali ah oo Saarnaa Markabka Ruen

Heemaaln

Puntland Oo Ciidamo Dheerad ah Dul-dhigtay Kooxo Burcad-badeed ah Oo Heysta Markab.

Heemaaln