Heemaal News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo la Kulmay Gudoomiyaha Jaamacada Carabta.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.



Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Puntland: “Xamar ma Midhi karto Xafiisyada Itoobiya Ee Garoowe iyo Hargeysa,Xasan-na Nama Xukumo.”

Heemaaln

Duqa Muqdisho Oo Shaqo joojin ku Sameeyey Dhowr Gudoomiye Degmo.

Heemaaln

“Cadawga Dibadda iyo War xumo Tashiilka Dadka Somaliland isku Diraya Waa in ….” Siyaasi Ramaax

Heemaal