Heemaal News Network

Madaxweynaha Faransiiska Oo Dalbaday in Falastiin loo Aqoonsado Dowlad

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa shaaciyay hadal ay si weyn ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen shacabka reer Falastiin, oo muddo dheer raadinayay in ay noqdaan dowlad rasmi ah oo la aqoonsado.

Emmanuel Macron ayaa si rasmi ah u shaaciyay in hadda kaddib aysan aqoonsiga Falastiin mamnuuc ka aheyn dalka Faransiiska, isagoona caddeeyay in dowladiisa ay go’aan ka gaari karto haddii ay Israa’iil diido dedaalada lagu doonayo in lagu helo labada dowlad.

”Aqoonsiga Faransiiska ee hal dhinac ah wax badan kama beddeli doono xaaladda dhulka iyada oo aan la helin wada xaajood dhab ah, laakiin waxay miisaan culus leedahay marka la eego mowqif iyo diblomaasiyad ahaanba” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Israa’iil ayaa horey u shaaciyay in ay kasoo horjeedaan in Falastiin dowlad loo aqoonsado, waxa uuna si cad u diiday in Falastiin madax-banaani hesho ayna noqdaan dowlad la aqoonsan yahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Meelmariyay $95.3 Bilyan Oo Uu ku Taageerayo Israa’iil Iyo Laba Dal Oo Kale

Heemaaln

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Heemaaln

Sirdonka Israa’iil Oo Lagu Eedeyay Inay Cabsi gelin ku Bilaabeen Wasiir A.Dibada Koonfur Afrika

Heemaaln