Heemaal News Network

Madaxweynaha Puntland Oo Wareegto ku Magacaabay la Taliyeyaal cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 004 ee 24-ka Maarso 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliyayaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida La-taliyayaasha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

2-Waxaa Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Guryahaa Loogu Daatay Oo waa la Jir-dilay Dhalinyaradii Gobolka Awdal.” Gudoomiye Fadxidiin.

Heemaal

Madaxweyne Cagjar Oo Magacaabey Wasiirro Cusub iyo Maayirka Magaalada Jigjiga.

Heemaaln

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Oo Qorshaha 5ta Sano kala Hadlay Hay’adaha QM

Heemaaln