Heemaal News Network

M/Deni Oo Magacaabay Hantidhowrka Guud iyo Agaasimaha Bankiga Dhexe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay guddoomiyaha xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

* Waxaana shaqo ka joojin lagu sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto kale uu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Khadar Cabdi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln

R/Wasaare Xamse Oo Shaaciyay in Gacan Aamin ah ku jiro Dastuurka Baaq-na u diray Mucaaradka

Heemaaln

Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Gacanta kusoo Dhigay Nin ku Eedeysan Dil

Heemaaln