Heemaal News Network

Milateri Oo Xoog ku soo Furtay Haween iyo Caruur Afdduub loo heystay (Sawirro)

Ciidamada dalka Nigeria ayaa soo badbaadiyay 16 qof oo ay dabley hubeysan ka afduubteen deegaan lagu magacaabo Kajuru ee gobolka Kaduna.

Waxa ay sidoo kale fashiliyeen isku day koox dambiilayaal ah ay ku doonayeen in ay dad kale ku qafaashaan.

War qoraal ah oo uu soo saaray Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Ciidanka xoogga dalka Nigeria, Sarreeye gaas Onyema Nwachukwu, ayuu ku sheegay in ciidanku ka hortageen isku day afduub ah, isla markaana ay soo badbaadiyeen dadkii laga afduubtay deegaanka Tantatu ee ismaamulka Kajuru.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, askartan ayaa weerarkan fuliyay, kaddib markii ay heleen xogo Axaddii, iyagoo la socday halka ragga hubeysan ay ku suganyihiin.

“Markii ay goobta soo gaareen ciidamada ayaa baacsaday dableydii, rasaas-na way isweydaarsadeen, waxayna soo furteen 16-kii qof ee la afduubtay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ciidanku waxa ay sii wadaan baadigoobka ay kaymaha ka wadaan si ay u helaan oo ay u soo furtaan dadkii kale ee la qafaashay iyo in la xakameeyo falalka xun ee ay wadaan dableyda, ayaa sidoo kale lagu yiri warka ka soo baxay ciidamada gobolka Kaduna.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Alshabaab Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Dayaarad Basaas Oo Laga Leeyahay Maraykanka

Heemaal

Gabadh Yar Oo Hargeysa Laga Afduubtay Dhawaan Oo la soo Bandhigay

Heemaaln

Daacish Oo Baahisay Muuqaalka Afar Qof Oo Fulisay Weerarkii Moscow (Sawirro)

Heemaaln