Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Doha si weyna Loogu soo Dhaweeyay.(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey safar ugu tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxa uuna halkaasi kulamo miro-dhal ah kula soo qaatay madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al Sisi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Ma jiro Dhul aanu Qaadanayno, Ee Saldhig Badda ah ayaanu Kiraysanay, Somalia-na waa….” Itoobiya

Heemaaln

Farmaajo Oo ka Hadlay Hakad ku yimid Safar Uu ku Tagi lahaa Deegaanada Khaatumo State

Heemaaln

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Hanjabaad culus Warbaahinta u Mariyay Ciidanka Sirdoonka

Heemaal