Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka.(Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan saraakiisha laamaha amaanka DF

Waxaa lagaga hadlay shirka dardargalinta hawlgallada ciribtirka al shabaab, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Waxaa uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliiska Puntland Oo Gacanta ku Dhigay Horjoogayaal Ajinabi ah Oo ka tirsan Daacish

Heemaaln

Shir Xasaasi ah Oo ka Dhacay Xafiiska RW & Taliyeyaasha Amniga Oo ka Qeyb galay.(Sawiro)

Heemaaln

Somaliya Oo ku Boorisay Midowga Afrika iyo Q/Midoobay inay Mowqif ka Qaataan Xadgudubka Itoobiya.

Heemaaln