Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xerada Xalane kula kulmay Valentin Zellweger

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta xalane ayaa hoosta looga xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wada dedaalo diblumaasiyadeed uu taageero ugu raadinayo xiisada kala dhaxeysa dowladda Itoobiya oo heshiis beenaad ay ku dooneyso in biyaha Soomaaliya ku qaadato la gashay maamulka Somaliland.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

DEG-DEG: Xukumada Biixi Oo Hada si Adag Ugu Jawaabtay Cabdiqadir Jirde

Heemaal

Ugaas Cali Xaashi Oo kiisas Culus ku Eedeyey Boqor Buurmadow

Heemaal

Puntland Oo Wafdi kale u dirtay Itoobiya ka dib Go’aankii Dowlada Somalia (Sawirro)

Heemaaln