Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xilka u kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Ee NISA iyo Ag-hore

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Agaasimihii hore ee hay’adda Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay taliyahii hore ee Nabadsugida Mahad Maxamed Salaad dadaalka iyo horumarka uu ku bixiyay shaqada hay’adda NISA mudadii uu xafiiska joogay.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya in hay’adda NISA ay tahay mid muhiimad weyn u leh qorshaha dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay horsed u aheyd deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa inaad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kula dardaarmay Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed inuu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaala.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo qaab casri ah loo dhisay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

8 Qof Oo Dhaawac Culus kusoo Gaaray Masjid kusoo Dumay Oo ku yaala Degmada Kaxda Ee Muqdisho

Heemaal

Danjirsaha Dawlada Kenya U soo Magacawday Somaliya Oo Warqadihii laga Gudomay(Sawirro)

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Caawa Socod ku Maray Suuqyada Waaweyn Ee Magalada Muqdisho.(Sawiro

Heemaaln