Heemaal News Network

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFS” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi.

Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku howlaneed soo saaridda sharci lagu badbaadin karo, laguna maareeyn karo deegaanka.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta iyo maareeynta deegaanka si looga hortago, loona yareeyo saameeynta dalkeenu ku yeelan karto isbeddelka cimiladda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Biixi: Godobta Dilka Dahable Iyo Xildhibaanku Xasan Sheekh Bay Saaran Tahay

Heemaal

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Maanta Gurigiisa kusoo Dhoweeyay Wafti Puntland ka Socday.

Heemaal

EU Oo Ergay Cusub u Magacowday Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub Ee Somaliya

Heemaaln