Heemaal News Network

Mareykanka iyo Britain Oo ka Fiirsanaya inay Joojiyaan Hubka ay ka Iibiyaan Israa’iil

Dawladaha reer galbeedka ayaa cadaadis badan lagu saarayaa inay joojiyaan hubka ay ka iibiyaan Israa’iil sababta oo ah qaabka ay dagaalka uga waddo Xamaas ee Marinka Gaza.

Israa’iil waa hub-iibsaha ugu weyn, laakiin ciidankeedu waxa ay si weyn ugu tiirsan yihiin soo dejinta diyaaradaha, bambooyinka iyo gantaallada si ay u weeraraan (Gaza) taas oo khubaradu ku tilmaameen mid ka mid ah ololeha hawada ugu xooggan uguna burburka badan taariikhda casriga ah.

Ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbahaysiga reer galbeedka ee Israa’iil ayaa ku baaqaya baahida loo qabo in la joojiyo hubka loo dhoofiyo Israa’iil, sababtoo ah, ayay yiraahdeen, way ku guuldareysatay in ay qaaddo tallaabooyin ku filan oo lagu ilaalinayo nolosha rayidka Falastiiniyiinta iyo in la hubiyo in gargaar bini’aadannimo oo ku filan uu gaaro.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray qaraarka lagu mamnuucayo hubka, iyadoo 28 dal ay u codeeyeen qaraarka, lix dal ayaa diiday, 13 dalna way ka aamuseen.

Mareykanka ayaa ku goodiyey inuu bedeli doono siyaasada uu ku taageerayo Israel hadii ay qaadi weyso talaabooyin ku filan oo lagu yareynayo khasaaraha rayidka, isla markaana gargaar ku filan lagu gaarsiinayo sidoo kale Britain ayaa ka fiirsaneysa iney joojiso hubka ay ka iibiso Israel.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xuutiyinta Oo Gantaal Ballistic ah ku weeraray Markabka Dagaalka USS Laboon

Heemaaln

Mareykanka Oo Xanibaad ku soo Rogay Shirkaddo & Shaqsiyaad lala Xiriiriyey Al shabaab

Heemaaln

Xildhibaanada Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland ku Raad jooga Oo Baarlamaanka lagu Qaabiley

Heemaaln