Heemaal News Network

Mareykanka iyo UK Oo Puntland ka Taageeraya la Dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo saraakiil kale ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shir ku saabsan la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay sidii dowladaha Puntland, USA, UK iyo Germany isaga kaashan lahaayeen la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta sida uu sheegay Taliska Booliska Puntland.

Shirkaas waxa Taliyaha Booliska ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda PISF, Gen. Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeenka Waaxda Denbi-baarista CID ee Booliska Puntland G/Sare Abshir Xuseen, iyo La-taliye ka tirsan Ciidanka Booliska Muuse Geelle.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxo argagaxiso ah oo saldhig ka dhigtay dhulka buuraleyda ee Bari iyo sidoo kale kooxo burcad badeed ah oo mararka qaar afduub u geesta maraakiib iyo doonyo ku safra biyaha Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan sheekh Oo Dhaawac ka soo Gaaray Gacanta Oo Warbaahinta la Hadlay

Heemaaln

Puntland: “Haddii Somaliya ay kala tagto waxaa Masuuliyaddeeda Qaadaya Madaxweyne Xasan Sheikh”

Heemaaln

Madaxtooyada Somaliya Oo Faah-faahisay Bahdilkii Itoobiya ku Sameysay MD Xasan Sheekh.

Heemaaln