Heemaal News Network

Mareykanka Oo soo Dhaweeyay Tallaabo ay Israa’iil Qaadday.

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Isra’iil ay ugu dhawaaqday in la furo oo la balaadhiyo saddex marin oo laga gudbo si loo oggolaado in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah uu Qasa galo.

Talaabada Israa’iil ayaa la fahansan yahay inay jawaab u tahay codsi gaar ah oo uga yimid Madaxweyne Biden.

Balse xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken, ayaa sheegay in run ka ahaanshaha in marinka lafuro lagu cabbiri doono natiijada dhabta ah.

Waxa uu sheegay in Washington ay la socon doonto inta baabuur ee sidda gargaarka ee galaya iyo sidoo kale qaabka looga hortago khatarta macaluusha.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Turkiga Oo Diiday Eedaymaha Loo Soo Jeediyey Ee In Wada Shaqayn Milatari Leeyiihin Yuhuuda

Heemaal

Saraakiil Mareykan ah Oo Shaaciyay In Weerar Wayn Oo Deg-deg ah Iran ku Qaadeyso Israel

Heemaaln

Israa’iil Oo ku Dhawaaqday Inay Goosaneyso Qayb ka mid ah Danta Galbeed Ee la Haysto

Heemaaln