Heemaal News Network

Markab Laga Leeyahay Ingiriiska Oo lagu Weeraray Xeebaha Yemen

Markabka Ambry ee laga leeyahay dalka UK ayaa lagu weeraray duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday xeebaha dalka Yemen.

Ammaanka badda ee Ambrey ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in markabka xamuulka ah oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Britain uu soo gaaray burbur aan badneyn ka dib markii ay weerartay diyaarad aan duuliye lahayn, xilli uu marayey xeebaha Yemen.

Shirkadda British-ka ah ee “Embry” ayaa sheegtay in markabka oo ka babanayay calanka Barbados “lagu weeraray meel 57 mile u jirta xeebta Xudeydah ee galbeedka Yemen, balse ma jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay, weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday markabkan ganacsi oo marayay badda cas.

Shirkadda ayaa xaqiijisay in markabka uu kordhiyay xawaarihiisa kadib weerarka oo uu sameeyay “baxsasho guul leh” ka hor inta uusan kusii socon koonfurta marinka Bab al-Mandab.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Waxaa xusid mudan in Xuutiyiintu ay weeraro ka dhan ah maraakiib ganacsi oo dhowr ah ku qaaday badda cas tan iyo bishii November 19-keedii, kuwaas oo ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin Israa’iil ama ay ku sii jeedaan dekedaheeda.

Waxa ay sheegeen in arrintan ay ku timid taageero loo muujinayo Marinka Qaza oo tan iyo 7-dii October uu ka socday dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Geesta kale, ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa saddex weerar ku qaaday deegaanada Xuutiyiinta Yemen tan iyo 12-kii bishii Janaayo.

Kadib weeraradii Maraykanka iyo Ingiriiska, dagaalyahanada Xuutiyiinta ee taageerada ka helaya Iran ayaa bilaabay inay beegsadaan maraakiibta Maraykanka iyo Ingiriiska ee deegaankaasi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxa CIA Maraykanka Oo U Xadhka Xidhay Heshiistiinta Israel Iyo Xamaas

Heemaal

Ukrayn Oo 3 Casho Gudahaood Lix Dayaaradaha Dagaalka Ee Ruushka Soo Riday

Heemaal

Iran Oo Fulisay Amarakii Maraykanka Oo Joojisay Weeraradii Maraykanka Kaga Socday Ciraaq

Heemaal