Heemaal News Network

Masar Oo Uga Digtay Dalalka Carabta Halis ku soo Wajahan Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Sameh Shoukry ayaa ka digey in gobannimada iyo dhowrsanaanta dhulkeed ee Soomaaliya uu halis dhab ah ku jiro. Hadalkan ayuu Wasiirku ka sheegay kulan wadatashi ah oo ay yeesheen Masar iyo dowladaha ku bahoobay Golaha Iskaashiga Khaliijka(GCC) oo ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Hadalkan oo uu Samiix Shukri ka soo xigtey wargeyska Egypt Independent, ayaa intaas ku daray in halistani ay Soomaaliya kaga imaaneyso dalka Itoobiya oo is-afgarad la galay Somaliland, si ayuu yiri ay marin ugu hesho Badda Cas, taas oo uu tilmaamay nacasnimo ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay masar uga soo horjeeddo tillabadan oo uu ku tilmaamay mid loogu gafey gobanimada dal Carbeed, islamarkaana meel ka dhac ku ah Axdiga Qaramada Midoobey.

Dalka Masar oo aysan qudhiisa isku fiicneyn Itoobiya, ka dib markii ay isku maandhaafeen saamiga biyaha webiga Niil, ayaa Soomaaliya si weyn u taageertay Soomaaliya durbadii ay soo shaac baxday xiisadda labada dal.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliya Oo Yeelatay Xurntii Ugu Horeysay Ee Lagu Hubiyo Badqabka Diyaaradaha Lagu-na Dayactiro

Heemaaln

Dr Fadal Oo M/Biixi la taliyey, kana Cudur-daartay Guddi Heshiiska Badda Ee Lagu Daray

Heemaaln

Guddida Heshiiska Isfahamka Somaliland & Ethiopia Oo Booqday Xeebta Lughaya & Gobolka Awdal

Heemaaln