Heemaal News Network

Itoobiya Oo Sheegtay inay Xiriir-dhow la Yeelanayso Puntland.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyay wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay, Puntland inay doonayso inay xoojiso xiriirkeeda Itoobiya, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa dhankiisa sheegay, Itoobiya inay ka go’an tahay xiriir ay la yeealato maamulka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Kulankaan ayaa kusoo beegmay, xilli madaxweyne Deni warar aanu helnay ay sheegayaan inuu ku sugan yahay magaalada Addis Abaaba, isagoo halkaas ugasii gudbaya dalka Imaaraatka Carabta.

Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan oo kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Sahan Dhinaca Dekada ah ka Bilowday Dekedda Lamu Ee Dalka Kenya

Heemaaln

Madaxweyne Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ayaa Hadda Heshiiyay

Heemaaln

Mareykanka iyo UK Oo Puntland ka Taageeraya la Dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Heemaaln