Heemaal News Network

Maxkamada Nigeria Oo Dil ku Xukuntay Ganacsade Shiinees ah Oo Dilay Gabar ay Saaxiibo ahaayeen

Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay ganacsade u dhashay dalka Shiinaha, kaddib markii lagu helay inuu dilay saaxiibtiis Ummu Kulthum Sani sannadkii 2022-kii.

Frank Geng Quarong ayaa laga helay qolkeeda ka dib markii uu dhowr jeer bilaabo ku dhuftay.

Dilka gabadhan oo 22 sano jir ah oo wax ka baranaysay jaamacada ayaa argagax ku beeray dadka reer Nigeria, waxaana kiiskan si dhow loola socday.

Xukunka dilka ayaa dhif iyo naadir ah in lagu fuliyo Nigeria, Isagoo Quarong waxa uu haystaa 90 maalmood oo uu racfaan kaga qaato xukunka.

Sadiiq Sani oo ah walaalka la dhashay dhibanaha oo ku hadlayay magaca qoyska ayaa ku tilmaamay xukunka dilka ah ee ay ku riday maxkamada Kano mid cadaalad ah, Waxa uuna sheegay in qofkii qof dila uu isna mudan yahay in la dilo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shacabka SSC Oo Codsatay in Maxkamad lasoo Taago Saraakiisha Somaliland Ee ku Xiran Laascaanood…

Heemaaln

Sarkaalkiil Fashiliyay Qorshe Dagaal Oo la Dajiyay 2023 iyo Shirqoolkii Lagu Dilay G/le Xasan Tuure

Heemaaln

Garyaqaankii Ururada Oo Ka Hadlay Qodbada Maxkamada Sare Laashay Ee Dorashooyinka

Heemaaln