Heemaal News Network

Maxkamada Doorashada Koonfur Afrika Oo Diiday Dalabka ANC Ee ka Dhanka ah in Xisbiga Zuma Uu Is-diiwaan geliyo

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ku guuldarreystay damac sharci ah oo uu ku doonayay inuu ku joojiyo xisbi dhawaan la dhisay oo uu taageerayo madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma, kaasoo u tartami lahaa doorashada guud ee May.

Xisbiga uMkhonto we Sizwe (MK) ayaa magaciisa ka soo qaatay garabkii hubaysanaa ee ANC ee hadda burburay.

Maxkamada doorashada ayaa diiday dooda xisbiga ANC ee ah in xisbigu uusan buuxin shuruudihii diiwaan gelinta ee rasmiga ahaa.

Taageerayaasha MK oo ku labisan dharka cagaarka ah ayaa dhoola tuska ka sameeyay banaanka maxkamada kadib markii la aqriyay xukunka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Suudaan Oo Ku Dhawaaqday In Ay Hakisay Xubinimada Urur Goboleedka IGAD

Heemaal

“Saylici 14 Sanno ayuu Fadhiyay kursiga Haduu Saamiga Awdal wax ka Qabanayo “. Xil. Xasan Ogaal

Heemaaln

“Marna Aqbali Mayno In Xeer Cid U Daneynaya La Sameeyo…..”Xildhibaan Xareed

Heemaaln