Heemaal News Network

Muxuu Deni kala Hadlay Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga Puntland? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Hay’adaha Amniga, sida Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Dowladda Puntland ee (PISA).

Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga. Dowladda Puntland ayaa Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka siinaysa muhiimad gaar ah, waxaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka shaqadii 5-ta sano ee hore laga qabtay tababarka, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed

Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gaadiid iyo Agab Ciidan Oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Heemaaln

Duqa Muqdisho Oo Amar ku Bixiyey in 10:00 PM ka hor aysan Socon karin Gaadiidka Xamuulka ah.

Heemaaln

Nabadoon Aabe u ah Masuul ka Tirsan Dowlada Oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay

Heemaaln