Heemaal News Network

Nin Ajnabi ah Oo Xaaskiisa ku Dilay Magaalada Hargeysa Oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in xalay dil araggax leh u geestay xaaskiisa, ninkan ayaana booliiska qabteen xilli uu isku dayayay in uu baxsado.

War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54-sanno jir ahaa, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabayay Sumaya Siciid Naasir.

Ninkan ayaa la sheegay in dilka uu u geestay xaaskiisa u adeegsaday mindo af leh kaddib muran soo kala dhax gelay, waxaana booliiska sheegeen ninka dilka geestay iyo xaaskiisaba ay kasoo jeedaan dalka Yemen .

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilaaga ah iyo meydka marxuumada, waxa ayna sheegeen in baaritaano ku wadaan kiiskan waxa sababay ayna caddaalad horgeyn doonaan gacankudhiiglaha.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ruushka Oo Iskugu Yeedhay Golaha Amaanka “Looma Dul Qaadan Karo Xadgudubka Maraykanku Ka Wado Bariga Dhexe”

Heemaal

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “Heshiiskan waxaa Uu Meesha ka Saarayaa Dayacii Baddeena”.

Heemaaln

Abiy Ahmed Oo Xariga ka Jaray Garoonka Diyaaradeed Oo Laga Hirgaliyay Godey Ee DDS.(Sawirro)

Heemaaln