Heemaal News Network

Nin toogasho ku Dilay Saddex Qof Oo Nolosha lagu Qabtay iyo Booliiska oo baaris bilaabay

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa ku guuleestay in ay nolosha kusoo qabtaan nin toogasho saddex qof lagu dilay geestay, kaa oo dilka kaddib ka baxsaday gobolkii uu dhibka ka geestay.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninka toogashada geestay lagu qabtay gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, waxa uuna ninkan saddex qof ku dilay magaalada Levittown .

Ninka toogashada geestay oo ka baxsanayay booliiska ayaa galay guri dad shacab ah degnaayeen, gacankudhiiglaha ayaana markii dambe oggolaaday in uu si nabad galyo isugu dhiibo booliiska.

Booliska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan Andre Gordon oo 26-sanno jir ah sababta ku kaliftay dadka uu toogtay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ninkan maxkamad lasoo taagi doono si loogu qaao kiiska dilka ah uu geestay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Eedaysanayaal Dil ka Geystay Degaanka Xiis Ee Gobolka Sanaag Oo lasoo Qabtay.

Heemaaln

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Ammar Deg-deg ah kasoo Saaray Dil ka Dhacay Muqdisho

Heemaaln

Ciidan SSC Khaatumo Oo Dhaqdhaqaaq Ciidan ka Wada Jiida Hore Fariina U Diray Somaliland

Heemaaln