Heemaal News Network

Puntland Oo ka Hadashay Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Badweynta Hinidya

Markabka oo laga afduubtay biyha caalamiga ah meel u dhaxeeyso Galmudug iyo Puntland ayaa burcadda wax afduubatay tiradooda lagu sheegay ilaa labaatameeyo sida uu BBC u sheegay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax oo weli isagu ah wsiirka wasaaraddaas , markabka oo lag leeyahay dalka Bangladesh kanasoo shiraacday koonfur Afrika waxaana uu kusii jeeday dalka isutagga Imaaraadka Carabta .

Wasiirka ayaa sheegay in sida ay warbixinta ay ku helayaan in uusoo socdo dhanka Puntland waxaana uu sheegay in marka uu xeebta kusoo dhawaado ay howlgal ku sameyn doonaan

Wasiirka ayaa sheegy in qorshaha Puntland uu yahay in burcaddu aanay ku negaan xeebaha Puntland oo aysan ka dhigan goobo ay ka helaan adeegyadii ay uga baahnaayeen dhanka berriga.

Wasiirka, Axmed yaasiin waxa uu sheegay in ciidanka badda ee Puntland ee hadda dhisan ay ka hawlgeli karaa ilaa 30 mayl wixii intaasi ka badana ay ka codsadaan ciidamada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin istraatiijiyad ay wax uga qabanayaan sidii aysan usoo geli lahayn xeebaha Puntlad.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Raysal Wasaare Xamse Oo Shaqadii ka Eryay Laba Wasiir, laba kalana Magacaabay

Heemaaln

Somaliya Oo si Adag Uga Hadashay Weerar Dad Badan Lagu Dilay Oo ka Dhacay Mascow

Heemaaln

M/Xasan Oo khudbad Uu ka jeediyey Shirka M/Afrika si Adag Uga Hadlay Damaca Itoobiya

Heemaaln