Heemaal News Network

Puntland Oo Shacabka Uga Digtay Taageerista Wasiirka Cusub Ee Arimaha Gudaha Somaliya

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay qofkii Taageero u muujiya Wasiirka cusub ee arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh inuu noqonayo Danbiile.

Waxaa kale oo uu sheegay inaan la taageeri karin Dowlada Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud

“Wasiirka arrimaha gudaha ee la magacaabay shaqo kuma lihin, ganacsatadda iyo qofkii la xariira dowlada Federaalka waa dambiile” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar lagu taageerayo dowlada Somalia

“Cid Alla ciddii la xiriirta ama shirar lagu taageerayo DFS & Wasiirada la magacaabay ku qabata Hotelada Garowe, Dowladdu talaabo sharci ah ayay ka qaadaysaa, hantidoodana way la wareegaysaa” ayuu yiro Guddoomiyaha gobolka Nugaal

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili Wasiir Cali Xoosh oo ka soo jeeda Puntland uu qorshaynayo berrito in Xaflad lagu taageerayo isaga lagu qabto Garoowe, waxaana arrintaas laga cabsi qabaa iney xiisad cusub ka dhaliso Pun tland

Wasiirka cusub ee loo magacaabay arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh ayaa ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliiska Puntland Oo Gacanta ku Dhigay Horjoogayaal Ajinabi ah Oo ka tirsan Daacish

Heemaaln

“Ma jiro Dhul aanu Qaadanayno, Ee Saldhig Badda ah ayaanu Kiraysanay, Somalia-na waa….” Itoobiya

Heemaaln

Wasiir Dalka Keenay Calan laga Taagayo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Heemaaln