Heemaal News Network

Qoomiyada Amxaarada Oo ka Horyimid Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya

Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abii Axmed ku doonayo qeyb ka mid ah Baddeena.
Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Rai’sulwasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa adkeeyay in is-afgarad ku sheegaasi uu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo aan laga fiirsan.

Waxaa ay sheegeen shacabka Amxaarada Itoobiya in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taaganyihiin iney difaacdaan midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Bulshada Amxaaradu Waxey dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka Darisnimo oo saldhig u ah Nabadgelyada iyo Horumarka labada dal.

Ugu dembayntii bulshada Amxaarada ayaa Rai’sulwasaaraha Itoobiya u soo jeediyey inuu ka fogaado wax waliba oo dhawaaci kara darisnimada sida inuu faragalin qaawan ku sameeyo dal madax bannaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Caalamka Oo Sugaya Maanta Go’aanka ICJ Ee Xasuuqa Yuhuudu Ka Wado Israel

Heemaal

Dowladda Soomaaliya oo Guddoomisay Shirar Hordhac u ah Kulanka Guud ee Midowga Africa

Heemaal

Sirdonka Israa’iil Oo Lagu Eedeyay Inay Cabsi gelin ku Bilaabeen Wasiir A.Dibada Koonfur Afrika

Heemaaln