Heemaal News Network

Qoorqoor OO Tacsiyeey Laacibkii Koobka U Qaaday Galmudug Oo Geeryooday

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay geerida ku timid mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

“Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo.

Xulka maamulka Galmudug ayaa dhawaan markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qoor-Qoor oo si weyn u garab taagna laacibiinta xulka Galmudug ayaa xanuunka geerida la wadaagay ehelka iyo asxaabtiisa, isagoo Alle uga baryay inuu ka sabar siiyo.

Galmudug oo si weyn ugu dabaal-degtay guushii koobka tartanka ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayey maanta u tahay maalin murugo, maadaama uu ka baxay mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug u qaaday koobkii sanadkaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Tartanka Qaramada Afrika Oo Laga Sifeeyey Wadamada Bariga Afrika

Heemaal

Miyuu Ka Tegayaa Old Trafford?

Heemaal

Koox kubada Cagta ah Oo ka Timid Ingiriiska Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Heemaaln