Heemaal News Network

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Somaliya Oo Magacaabay la Taliye Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliye cusub oo ka mid noqonaya la taliyeyaasha xafiiskiisa.

Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Barre.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xili dalka uusan laheyn Wasiir amni muddo 4 afar bilood ah ka dib markii Wasiirkii ku magacownaa Wasaaradaas loo magacaabay xil kale oo ah danjiraha Somalia u fadhiya dalka Qatar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Sisi Iyo Afewerki Oo Isku Raacay In Ay Difaacaan Madaxbanaanida Soomaaliya

Heemaal

Dad Kenyan ah Oo Lagu Laayay Gudaha Somaliya iyo Meydadkooda Oo la Geeyay…

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Fulinta Ballamihii Uu Qaaday…

Heemaaln