Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta, kaas oo lagu soo bandhigayey guulaha ay Xukuumaddu xaqiijisay, caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan sidii la isku waafajin lahaa qorsheyaasha Qaranka iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda iyo saaxiibada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hey’adaha iyo deeqbixiyaasha in mashaariicda ay ka fuliyaan dalka ay noqdaan kuwo raasumaal leh oo wax u taraya dadka Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka danbeeya wadajir loo xisaabtami doono.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka hartay dunida soddonkii sano ee la soo dhaafay, haatanna ay lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan kana xawaare badan sidii hore, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Madasha waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah), deeq-bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay (UN), Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ninkii Naagtiisa ku Gubay Muqdisho Oo Gacanta Lagu soo Dhigay

Heemaaln

“Ciidanka Gacan Libaax la Geeyay waa Xaalad-abuur, Waxii ka Yimaada-na….. ” Xil. Xasan Ogaal

Heemaal

R/Wasaare Xamse Oo Shaaciyay in Gacan Aamin ah ku jiro Dastuurka Baaq-na u diray Mucaaradka

Heemaaln