Heemaal News Network

Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada

Raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno kamid ah golihiisa wasiiradda, oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha, amniga iyo arrimaha dibadda.

Raysal wasaare Xamse ayaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay, Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladda.

Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u magacaabay, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kamid ah xubnaha baarlamaanka aqalka hoose.

Wasiirka amniga ayaa loo magacaabay Gen. Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag, halka wasiirka tamarta iyo biyaha loo magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Maxamed Aadan Macalin ayaa loo magacaabay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay wasiir u dowlaha bey’ada iyo isbeddelka iyo cimilada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Sheekh Oo Caawa Socod ku Maray Suuqyada Waaweyn Ee Magalada Muqdisho.(Sawiro

Heemaaln

Cali Xaamud Oo Madaxtooyada Xoog Looga soo Saaray Oo Faah faahiyay siday wax u Dhaceen

Heemaaln

Somaliya iyo Qatar Oo kala Saxiixday Heshiis iskaashi Oo Dhinaca Milateriga ah

Heemaaln