Heemaal News Network

Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada

Raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno kamid ah golihiisa wasiiradda, oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha, amniga iyo arrimaha dibadda.

Raysal wasaare Xamse ayaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay, Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladda.

Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u magacaabay, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kamid ah xubnaha baarlamaanka aqalka hoose.

Wasiirka amniga ayaa loo magacaabay Gen. Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag, halka wasiirka tamarta iyo biyaha loo magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Maxamed Aadan Macalin ayaa loo magacaabay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay wasiir u dowlaha bey’ada iyo isbeddelka iyo cimilada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxtooyada Somaliland Oo Laga Wareejiyey Maamulkii Lacagta 2% Ee Miisaaniyadda Ugu jirtay Sool

Heemaaln

“Waxaanu Marti-galinaynaa Maamulka Awdal State..” Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Fiqi

Heemaaln

Askari katirsan Ciidanka Dowladda Oo Togasho ka Geestay Xero ku Taalla Muqdisho

Heemaaln