Heemaal News Network

RSF Oo Bayaan kasoo Saartay Go’aankii Maamulka Puntland Uu ku Musaafuriyay Weriye Jamaal Cusmaan

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) ayaa cambaareeyay go’aankii uu maamulka Puntland ku musaafuriyay weriye Jamaal Cusmaan iyo soo saare kale, kuwaas oo katirsan telefishinka caalamiga ah ee Channel4.

Ururka RSF ayaa sheegay in labada weriye ay Puntland u tageen inay warbixinno ka sameeyaan dhibaatooyinka badda cas ee burcad badeeddu ay ku qafaalanayaan maraakiibta.

“Maamulada Soomaaliya miyay qabaan ciil qab ka dhan ah Jamaal Cismaan oo ah weriyaha Afrika ee Channel 4 ? Waa markii labaad oo weriyahan asalkiisu Soomaaliga yahay laga soo musaafuriyo Soomaaliya 14-kii bilood ee la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay RSF.

Jamaal Cismaan iyo soo saaraha Tv-ga Channel 4 ayaa la xiray markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe 18-kii February, waxaana subaxnimadii xigtay dib loogu celiyay dalka Ingiriiska, inkastoo ay haysteen warqad ku taariikhaysan 15-ka February, taasoo uu wasiirka warfaafinta Puntland ugu fasaxay imaanshahooda Puntland.

Weriye Jamaal Cusman ayaa sheegay wax yar ka dib markii la xiray in la geeyey hotel ay gacanta ku hayso hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, waxaana sidoo kale la geeyey xafiiska PISA halkaas oo su’aalo lagu weydiiyey muddo saddex saacadood ku dhow.

Waxa uu sheegay in wasiirka warfaafinta, Maxamuud Ceydiid Dirir, uu isku dayay inuu xaaladda qaboojiyo. Laakin mar labaad oo uu taleefoon kula hadlay ayuu u sheegay in amarka lagu xiray uu ka yimid masuuliyiinta sare ee Puntland.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiir Siciid Sulub oo Xantii Suuqa Taalay Dhayda Ka Cadeeyay

Heemaaln

Siyaasiyiin iyo Wax-garad Oo Dhaliil Ujeediyay Farmaajo kana soo Horjeestay Dib usoo Noqoshadisa

Heemaaln

Suldaan Dhawal Oo si Weyn Loogu Maamuusay Maanta Borama…

Heemaaln