Heemaal News Network

Madaxweyne Museveni iyo William Ruto Oo kursi Muhiim ah la Raadinaya Raila Odinga

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna hoggaamiyaha mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi Raila Odinga ayaa olole xooggan ugu jira sidii uu u hannan lahaa kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Raila Odinga ayaana taageero ka raadinaya madaxda dalalka Afrika si uu kursigaasi ugu soo baxo marka uu xilka baneeyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo xilkiisa ku eg yahay bisha Febraayo ee sannadka 2025.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya William Ruto sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ugu tartami lahaa jagada ugu sarreysa Midowga Afrika (AU).

Yuweri Museveni ayaana gurigiisa ku kulan siiyay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo Raila Odinga, waxa uuna kala hadlay madaxweynaha sidii hoggaamiyahan u noqon lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Yuweri Museveni oo si adag u taageeray musharaxnimadayda iyo Madaxweyne Ruto oo si buuxda u taageeray” ayuu bartiisa X kusoo qoray Raila Odinga.

Kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa sannadka soo socda waxaa u tartami doona hoggaamiyaal kasoo kala jeeda dalalka Afrika, waxaana dal walbo olole xooggan u gali doonaa hanashada kursigaasi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Beeralayda Qaadka Miirowga Ee Kenya Oo joojiyay Dhoofinta Qaadka Ee Somaliya.

Heemaaln

Dad Kenyan ah Oo Lagu Laayay Gudaha Somaliya iyo Meydadkooda Oo la Geeyay…

Heemaaln

Kenya Hakisay Qorshe ay Ciidamo Booliis ah Ugu Diri Lahaayeen Dal Uu Khalalaase ka jira

Heemaaln