Heemaal News Network

Xildhibaankii ku Dhintay Muqdisho Oo Lagu Aasay Hargeysa iyo Muuse Biixi oo…

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aas duleedka Koonfureed Galbeed ee xabaalaha masallaha Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaska xildhibaan hore Axmed Aadan Cabdiraxmaan waxa madaxweynaha kala qayb galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo shacab kale oo tiro badan oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka a, waxana uu marxuumka ku sifeeyey Ahlu-diin aqoon durugsan u lahaa shareecada Islaamka, dilkiisana laga xisaabtami doono.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa caddeeyey waxa laga yeelayo meydka marxuumka ay u taallo reer Somaliland, calaacalna aanay geli doonin, isagoona xildhibaanka sheegay in si kutagal ah loogu dilay Muqdisho.

,“Meydkana waa la Aasi arrinna waynu ka Tashan, Somaliland-na uma Oydo meydka ee way ka tashataa, waxa laga yeelayaana Somaliland bay u taallaa meydkana waynu Aasaynaa.” ayuu yiri madaxweynaha.

Xildhibaanka lagu aasay Hargeysa oo katirsanaa baarlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan isaga oo meyd ah laga helay hotel uu deganaa oo Muqdisho kuyaalla, booliiska ayaana shaaciyay in ay baaryaan kiiskan dilka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Hanjabaad U Diray kuwa Dhabarka lasoo Tabtay Ee

Heemaaln

Ciidamada Oo Muqdisho ku Qabtay Nin kufsaday Gabdho Uu Hooyadeed Qabay

Heemaaln

Xildhibaanada SSC Khaatumo Oo Lagu soo Dhaweeyay Deegaanka Awrboogays.

Heemaaln