Heemaal News Network

RW Xamsa Oo Booqday Garoonka Aden Cabdulle, Amar Deg-deg ahna Bixiyey.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Waxaa maalintii labaad hakad galay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab fara badan ku cadibmeen garoonka qeybta Local-ka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado 9 dollar.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkaddaha Diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta Rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticketka iyo in aan lagu kordhin oo shirkadaha duulimaadka doonayaan inay lacagta 9-ka dollar ku kordhiyaan qiimihii hore ee Ticketka, halka Wasaaradda Gaadiidka ay dooneyso in aan waxba laga bedelin qiimaha Ticket-kii hore la qaadayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Shirkad lagu magacaabo Hornlink ay la soo kordhiyay nidaam cusub oo amniga xogta rakaabka diyaaradda raacaya oo ay ka wada shaqeyanayaan Laamaha Amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka. Shirkaddan Hornlink oo Ganacsato leeyihiin ayay Wasaaradda Gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta Rakaabka raacaya diyaaradaha oo soo kordhisay system cusub oo lagu ogaanayo xogta rakaabka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha SSC Oo Booqasho Ku tagay Wasaarada Arimaha Gudaha SSC Khaatumo

Heemaaln

Heshiis ka Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya

Heemaaln

Deni Oo Kulankii Ugu Horeeyey la Qaatay Golaha Cusub Ee Wasiirada Puntland.(Sawirro)

Heemaaln