Heemaal News Network

Salman Rushdie Oo ka Sheekeeyey Weerarki Uu ku Waayey Ishiisa

Qoraaga caanka ah ee Sir Salman Rushdi ayaa ka sheekeeyey sidii uu uga bedbaadey weerar labo sano ka hor loogu geystey goob kuu khudbad ka jeedin lahaa oo ku taalla magaalda New York ee dlka Mareykan.

Qoraaagan 76 sano jirka ah oo noloshiisa intii badnayd ku qaatay dhuumasho, ka dib markii uu qoray buug Muslimiin badan ka careysiiyey oo la magac baxay ‘Aayadaha Shaydaanka”, ayaa wuxuu si dirqi ah uga bedbaadey weerar uu ku soo qaaday ruux mindi ku hubeysan oo dhaawacyo halis ah u geystey.

Sir Salman Rushdie oo haysta dhalshada Ingiriiska iyo Mareykanka, balse asal ahaan ka soo jeeda Hindiya, waxaa 1988 dil ku xukumay hoggaamiyihii Kacaanka Iran oo ku eedeeyey in uu diinta Islaamka aflogaadeeyey, tan iyo xilligaasna ammaankiisa aad ayaa loo ilaalinayey.

Laakiin waxay talo farahiisa ka baxday markii isagoo ka hadlaya xaflad lagu casuumay uu si kedis ah ugu soo boodey nin mindi sita oo dadweynihii dhegeysanyey ku soo dhex gambaday, kaas oo nabarro halis ah ku dhuftay.

Ninka loo haysto in uu weerarka ka dambeeyey oo lagu magacaabo Hadi Matar ayaa dhibanaha mindi la helay 12 jeer, waxaana Mr. Rushdie uu weerarkaas ku waayey ishiisa midig, sidoo kalena waxaa dhaawac ka soo gaarey qoorta, caloosha, beerka iyo gacmaha.

Sir Rushdie oo ka hadlayey dhibka soo gaarey ayaa BBC-da u sheegay in marwalba uu ka feejignaa in maalin un fursad lagu heli doono, tasina ay dhacday markii si kedis ah nin jaranjarad ugu soo fuuly ka dibna uu mindi ku boobay illaa uu dhulka uga dhacay asagoo dhiigga ka da’ayo.

qoraaga ayaa mar wax laga weydiiyey waxa uu dareemo marka uu soo xasuusto shilkaas, wuxuu sheegay in uu xasuusto ishiisa oo sida ukun la kariyey wajigiisa uga lulata.

“Maalin kasta oo aan arko isha iga maqan waan xanaaqaa”, ayuu yiri qoraaga oo sheegay in mar kasta oo uu jaranjaro korayo ama uu ka soo degayo, iyo sidoo kale marka uu jidka goynayo ama uu weel biyo ku dhaansanayo uu ishiisa tabo, maadaama ay tahay in uu taxadar dheeri ah muujiyo.

Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu isku arkaa nin nasiib leh maadaama uu weli socdo oo aan maskaxda nabar ka gaarin.