Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Kormeeray Taliska 18-aad Ee Ciidanka Gorgor.(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay xerada Jeneraal Daauud ee taliska guutada 18-aad ee kumaandooska XDS ee Gorgor.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin Cadow.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah al shabaab ee ka socda Gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaarteen oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.