Heemaal News Network

Shan Qof Oo Loo Dilay Aano Qabiil

Shan qof oo sida la sheegay rayid ah ayaa lagu dilay deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug. Waxaa la sheegay in ay dileen dableey hubaysan.

Waxaa kale oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday dadkaan oo safar ahaa lix qof oo kale.

Dadka oo saarnaa gaari noociisu ahaa ahaa Cabdibile ayaa tiro ahaa dhamaa 11 qof kuwaas oo ka anbabaxay Saaxo kuna sii jeedey deeganka Hirgala- Tiriye ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Dadkaan ayaa lagu dilay qiyaastii meel 5 kiilo mitir u jirta halka ay ka amabaxaeen, waxaa jidka u galay rag hubaysan sida warbaahinta uu u sheegay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Xaaji Cali.

Gaariga ay saarnaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawac ah ayaa qaraabada dadka dhintay noo sheegeen in uu ahaa kuwa dagaalka ee loo yaqaano Cabdibile, oo uu saarnaa qori, laakiin ay dadka la dilay ahaayeen shacab doonayay in ay qof xanuunsan soo qaadan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo soo Dhawaysay Hadalkii R/W Itoobiya Ee Uu kaga soo Horjeestay Midnimada Somaliya

Heemaal

Madaxwaynaha SSC Oo ka Hadlay Dhibta Soonkii Hore Somalilnd ka Geysatay Laascanood

Heemaaln

Maakhir state Oo Mar kale lagu Dhwaaqay “Waxu Noqon Doonaa Maamul aan dhib ku ahayn Puntland.” Xil.Dhoorre.

Heemaaln