Heemaal News Network

Shiinaha: Waan In Lafuliyaa Qaraarkii Golaha Amanaaka

Dawalada Shiinaha ayaa maanta soo saaray go’aan aya ugu baaqayso golaha amaanka ee qaramada midoobay in ay fuliyaan sida ugu dhaqso badan, qaraarka xabad joojinta ee ay ka soo saareen marinka Gaza.

Wasaarada Arimaha Dibbada ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay waajib tahay in la fuliyo qaraarkii ka soo baxay golaha, iyadda goluhu damaanad qaadayo fulinta qaraarkaa.
Qaraarkan xabad joojinta marinka Gaza waxaa u codeeyey, toban iyo afar dal, waxaana ka aamusay Maraykanka oo kaliya, taas oo uu ku meel maray, hadii fulintiisu dhici waydana waxaa waajib ah in cinqaab caalami la mariyo cida ka soo horjeesta.

Gumaystaha Yuhuuda oo isku halayn wayn ku qaba Maraykanka oo la filyao in uu awooda diidamada qayaxan u isticmaali doono, cinqaab kasta oo lagu soo rogo, ayaan ilaa hadda dhag jalaq hadalada ka soo yeeraya caalamaka, iyada oo sheegtay in ayna fulin doonin amarka xabad joojinta ahna, sida ay sheegeen wasiiro ka tirsan gumaysiga Yuhuudu, halka uu raisal wasaaruhun canbaareeyey go’aankaas.

Arinta ayaa laga yaaba in ay wax wayn ka badasho nabada caalamka iyo shrciyadda goloha aminga, hadii la fulin waayo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Warar Dheeraad Ah Iyo Xaalada Hadda Taagan ee Dagaalka Iiraan Iyo Xulafada Yuhuuda

Heemaal

Wadahadalo Xabad-joojinta Gaza Oo ka Furmay Qaahira

Heemaaln

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal