Heemaal News Network

Shir Xasaasi ah Oo ka Dhacay Xafiiska RW & Taliyeyaasha Amniga Oo ka Qeyb galay.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Al-shabaab iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo al shabaab ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si al shabaab aanay fursad ugu helin weerarada

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka al shabaab oo uu ku eedeeyey iney baneysteen nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Muuse waa Dambiile Dadka Muqdisho Lagu Laayay-na….”Ugaas Mahiigaan

Heemaaln

Wiilkii Lagu Dilay Garoowe Oo Maydkiisa Hargaysa la keenay.

Heemaaln

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Oo kormeeray Goobaha Laga Sugo Amniga Muqdisho

Heemaaln