Heemaal News Network

Sirdonka Israa’iil Oo Lagu Eedeyay Inay Cabsi gelin ku Bilaabeen Wasiir A.Dibada Koonfur Afrika

Sirdoonka Israa’iil ayaa cabsi gelin iyo caga-jugleyn ku bilaabay haweeneyda ah wasiirka arrimaha dibadda dowladda Koonfur Afrika, kaddib markii dalkaasi dacwad ka dhan ah xasuuqa ay Gaza ka wado Israa’iil u gudbiyeen maxkamadda ICJ.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa ku eedeysay sirdoonka Israa’iil in ay ku bilaabeen cabsi gelin, kaddib dacwadii ay u gudbiyeen maxkamadda dambiyada caalamiga .

“Wakiillada Israa’iil iyo sirdoonkoodu, [tani] waa waxa ay samaynayaan, waxayna isku dayayaan in ay ku cabsi geliyaan, waxay doonayaan in ay na joojiyaan, marka sabab baa jirta” ayey u sheegtay warbaahinta gudaha wasiir Naledi.

Wasiiradad arrimaha dibadda Koonfur Afrika oo kulan la yeelatay wasiirka booliiska Koonfur Afrika ayaa la wadaagtay xogta hanjabaada iyo cabsi-gelinta ay la kulmeyso, waxa ayna codsatay in la siiyo ilaalo dheeraad ah.

Dhinaca kale Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeynta uga timid wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika, waxa ayna ku eedeeyeen wasiirrada in ay tahay dhiigyo cab u adeegta garabka hubeysan ee kooxda Xamaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Qoomiyada Amxaarada Oo ka Horyimid Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya

Heemaal

Milateriga Israel Oo Shacab Fara-badan ku Xasuuqay Degaanka Rafax.(Sawirro)

Heemaaln

Waa Tuma Haweenayda Ku Galgalatay Kiiska Falastiin Ee Maxkamada Caalamka

Heemaal